Dowladda Soomaaliya oo go’aano adag kasoo saartay dhanka Amaanka

Dowladda Soomaaliya oo go’aano adag kasoo saartay dhanka Amaanka

daajis.com:- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aano Amniga ku saabsan kasoo saartay, kulan looga hadlayay amniga oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo ay yeesheen guddiga Amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayay ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Awqaafta iyo Diinta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Kulanka oo ay ka qayb galeen laamaha Amaanka iyo hay’adaha Amaanka ka caawiyo xukumadda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaa looga hadlay arimo ku saabsan Amaanka Muqdisho, iyadoona kulanka laga soo saaray go’aano adag.

Marki uu soo dhammaaday kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka ee xukumadda mudane Maxamed Yuusuf Cismaan oo u faahfaahiyay go’aanada adag ee kulanka laga soo saaray.

Afhayeenka ayaa sheegay in guddiga Amaanka ay isla garteen xaqiijinta amaanka Muqdisho iyo in hay’adaha amaanka ay dardar geliyaan amaanka magaalada Muqdisho.


Waxa sidoo kale sheegay in la isku raacay in dowladdu la wareegto Gurigii ama garaashkii uu ka dhaco qarax iyo sidoo kale in baaritaano lagu sameeyo dhammaan garaashyada ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood laga soo diyaariyo qaraxyo.

Inta badan go’aanada ay dowladda Soomaaliya soo saarto ayaana dhaqan gelin, iyadoo la ogeyn sababta rasmiga ah ee aysan u dhaqan gelin go’aanadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada