Ethiopia oo ka hadashay digniintii Mareykanka ee Al-Shabaab

Ethiopia oo ka hadashay digniintii Mareykanka ee Al-Shabaab

daajis.com:- Wasaaradda arrimaha dibadda ee a Ethiopia, ayaa sheegtay in dalkeeda amaan uu yahay, waxayna sheegtay in suuragal aheyn in weeraro argagixiso ay ka dhacaan.

Hadalkan kasoo baxay Ethiopia ayaa jawaab u ah digniin Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa kasoo saartay suuragalnimada weeraro argagixiso oo lala beegsado magaalada Addis Ababa, gaar ahaan goobaha ay dadka ku badan yihiin iyo meelaha cibaadada.

”Waxaan jecelnahay in aan u cadaynno dalalka ay Ethiopia xiriirka leeyihiin in aanu qaadayno wax kasta oo aanu kaga hortagayno weeraro kasta oo argagaxiso ah oo amniga lagu wiiqayo, kuwaas oo aanu ka qaadayno caasimadda dalka ee Addis Ababa iyo dhammaan dalka oo dhan” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibada Ethiopia oo lagu magacaabo Ambassador Taye Atske Selassie.

Ambassador Taye Atske Selassie oo diblumaasiyiinta caalamka ee ku sugan Addis Ababa mar uu la hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Ethiopia ay dadaal badan ku bixisay sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo ka imaan kara kooxaha argagixisada Al-shabaab ee Somalia ka dagaalama.

Dowladda Ethiopia ayaa ka codsatay muwaadiniinta dalkaasi in ay muujiyaan taxadir iyo feejignaan dheeraad ah, inkastoo aysan jirin baa la yiri cabsi weyn.

Ciidamada amaanka ayaa goob walba la dhigay, waxaana xaafadaha qaar ka socda howlgalo lagu bartilmaameedsanayo dadka Soomaalida ee degan Addis Ababa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada