Video:- Ninkii Bulshada China ay u ya qaaneen Maroodiga oo helay nolol caadi

Video:- Ninkii Bulshada China ay u ya qaaneen Maroodiga oo helay nolol caadi

daajis.com:- Ninkii loogu magac daray Maroodiga China ayaa helay nolol caadi ah, kadib markii buro culeyskeeda dhan 25 Kiilo oo wajiga kaga tiilay lagu guuleystay in laga saaro 21 kiilo.

37 sano jirkaan oo lagu magacaabo Huang Chuncai, kuna nool gobolka Hunan ee dalka China ayaa mudo 30 sano ah la dhibanaa buro wajiga kaga tiil, taasoo asaagiisa ka reebtay, dadkuna ugu magac dareen Ninkii Maroodiga China.

Huang Chuncai ayaa sheegay in hadda uu dareemayo farxad, muuqaalkiisana wax badan iska badaleen. Waxaana meesha ka baxday rikoorkii u yiilay ee “Ninka ugu burada weyn caalamka”.China's Elephat Man Undergoes Fourth Operation To Remove Facial Tumour

Xaalada labadiisa waalid Huang Chuncai ayaa aheyd mid aad u hooseyso oo awoodi waayay mudo 30 sano in ay bixiyaan qarashka ku baxaya qaliinka wiilkooda, hase ahaatee 2007-kii ayaa warbaahinta sii deysay muuqaalka Huang Chuncai, taasoo ugu danbeyntii sanadkan lagu guuleystay in loo helo qarashka ku baxay qaliinkiisa oo mudo saacado ah qaadatay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada