Somalia oo hoggaamisay guddi caalami ah :-Sawirro

Somalia oo hoggaamisay guddi caalami ah :-Sawirro

daajis.com:- Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka dowladda Federalka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa ka mid ahaa Guddi heer caalami ah oo kormeeraysay doorashada ee dalka Mozambique 15-kii bishan ay ka dhaceen.

Wasiir arrimaha gudaha Somalia ayaa waxa ay si wadajir ah u hogaaminayeen guddiga kormeerka doorashada ka dhacday 15kii bishan dalka Muzambique waxaana ku wehliyay Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Kenya Reila Odinga.

Ka qeybgalka kormeerka doorashadan ayaa waxa ay u tahay mid aad ugu wanaagsan mas’uuliyiinta dowlada Federalka maadaama la doonayo in ay ka dhacdo doorasho dalka Soomaaliya sanadka 2016.

Intii uu ku gudajirey howlihiisa shaqo ayuu Wasiir Goodax la kulmay guddiga doorashada,madaxda maxkamada sare ee dalka Mozambique iyo weliba madaxweynaha haatan haya talada dalkaasi Mr. Filip Nyusi.

Dalka Mozambique oo ka mid ah wadamada dagaalada sokeeye ay ka dhaceen ayaa 15kii bishan waxa ay shacabkda dalkaasi u dareereen doorashadii shanaad.

Natiijada doorashada oo la diiwaangaliyay in ay codeyn karaan dad gaaraya toban malyan oo ruux ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo dhamaadka bishan. 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada