Video:- Taliyihii xasuuqay Jabhadda ONLF oo la dalacsiiyay

Video:- Taliyihii xasuuqay Jabhadda ONLF oo la dalacsiiyay

daajis.com:- Madaxwaynaha dalka Ethiopia Mulatu Teshome, iyo R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa darajada ugu sareysa Ethiopia guddoon siiyay Taliyihii qeybta weyn ka qaatay dagaalada lagula jiro Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya, kaasoo lagu magacaabo Gen. Abraham Woldemariam Genzebu, iyo Shan Sarkaal kale.

Gen. Abraham W.Mariyam ayaa loo dalacsiiyay Lieutenant General oo ah darajo heerkeeda sareyso, waxaana lagu amaanay kaalintii uu ka qaatay dabar goynta Jabhadda xoreynta Ogaadeeniya iyo geesinamadii uu muujiyay intii uu howlgaladaasi hoggaaminayay.

darajoMunaasabad lagu xusayay maalinta calanka Itoobiya oo uu ka qeyb galay Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Iley ayaa wuxuu ku bogaadiyay darajada la siiyay Gen. Abraham.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Desalegn ayaa sheegay in saraakiishaan ay ku mutaysteen dalacsiintan shaqooyinkii ay qabteen iyo dhabar adeegii ay muujiyeen mudadii ay howsha ku guda jireen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada