Xog: Alshabaab oo kusoo qulqulaayo Muqdisho kana sameystay xarumo

Xog: Alshabaab oo kusoo qulqulaayo Muqdisho kana sameystay xarumo

daajis.com:- Sida laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Boliska Dowlada federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa ay sheegey in Alshabaabkii laga soo ceyriyay Gobolada dalka ay dib ugu soo laabanayaan Magaalada muqdisho.

Saraakiisha ayaa sheegtay in Muqdisho ay kusoo uruurayaan Maleeshiyaad kali kali usoo raacaya gaadiidka shacabka ee soo galaayo muqdisho, waxaana la Tilmaamay in Maleeshiyaadkaasi ay saldhigyo ka dhiganayaan degmada Heliwaa ee gobolka banaadir.

Mid kamid ah saraakiisha Boliska ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadu ay ku howlan yihiin ilaa iyo Todobo kiis ku saleysan Alshabaab soo gaaray magaalada muqdisho.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Dowlada federaalka ah ee somalia, gaar ahaan laamaha ammaanka ay ku heshiiyeen in Alshabaabkii la qabto isaga oo aan isku soo dhiibin DF, ay abaalkiisu ka dhigi doonaan dil toogasho ah.


Dhanka kale, Arrintaani ayaa waxa ay ka danbeysay kadib markii Maleeshiyada lagala wareegay Gobolada ay gacanta ku hayeen sidaana kusoo galay Muqdisho, iyagoo taargeed ka dhiganaaya weeraro argagixiso oo ay ka fuliyaan magaalada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada