Gaas “Hadii dadka gobollada dhexe ay rabeen inay qaataan dhul Puntland….

Gaas “Hadii dadka gobollada dhexe ay rabeen inay qaataan dhul Puntland….

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali “Gaasi” ayaa ka hadlay heshiiskii dhawaan Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulkaasi ay ku kala saxiixdeen dowladda Federalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Puntland BBC ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid sax ah oo 50% Soomaali oo dhan dan ay ugu wada jirto, oo aan la odhan karin in Puntland ay dan gaar ah ugu jirto.

Madaxweynaha Puntland wuxuu si cad u sheegay in hadii qorshaha maamulka Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya uu ahaa inay qaataan oo maamulkaasi uu kamid noqdo Degmooyinka Jariiban iyo Goldogob oo Puntland ay maamusho go’aankaasi inuu ahaa mid aad u qaldan oo hada la saxay.

“Hadii Maamulkan Koonfurta Mudug iyo Galgaduud uu qorshahooda ahaa inay qaataan Xuduudaha Puntland, ama Goldogob iyo Jariiban ay xisaabsadaan hada waxaan leeyahay go’aankaasi wuu qaldanaa markii hore laakiin imink waa la saxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynaayo in maamul ay sameystaan dadka ku nool Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayna umuujinayaan taageero ku aadan maamulkaasi.


Heshiiska Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala saxiixdeen, ayaa waxaa ku jiray qodob keenay dood badan, kaasi oo ah in maamulka Mudug iyo Galgaduud loo sameynaayo uu ka koobnaado kaliya Gobol iyo Haaf oo ah Mudug Koonfurteed iyo Galgaduud, taasina waa mid si cad Dastuurka dalka uga hor imaanaysa.

Dastuurka Soomaaliya ayaa wuxuu qorayaa in maamul Goboleed ay sameysan karaan Labo Gobol iyo wixii ka badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada