DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho & Gudoomiye Dil....

DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho & Gudoomiye Dil....

daajis.com:-Qarax Xoogan ayaa waxa uu goor dhaweyd ka dhacay Xaafada Siisii ee magaalada muqdisho waxaana lala eegtay Mas’uul katirsan Maamulka Degmada Yaaqshiid.

Miinada dhulka hoosteeda la geliyo ayaa qaraxa lagu sheegay waxaana la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee qaraxa uu geystay.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxay sheegayaan in qaraxa kadib la maqlayey rasaas ay furayeen askarta la socotay mas’uulka la bartilmaameedsadeen.

Warbaahinta Al Shabaab war lagu daabacay oo qaraxaasi looga hadlay waxay sheegeen in la weeraray Cusmaan Cadaawe oo isagu ah mas’uul katirsan Degmada Yaaqshiid uuna qaraxa ka bad baaday hase ahaatee Ciidankiisa ay waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac kaso gaareen sida Warbaahinta shabaabku daabaceen.

Weli ma heyno wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Maamulka Degmada Yaaqshiid oo ay qaraxa ka dhacay Xaafada Siisii ay kaga hadlayaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada