Garowe oo lagu xukumay Nin caan ku ahaa kufsiga Haweenka

Garowe oo lagu xukumay Nin caan ku ahaa kufsiga Haweenka

daajis.com:- Maxkamadda darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xukun 20 sano ah ku riday nin caan ku ahaa kufsiga Haweenka iyo inuu jirdilo ka hor inta uusan kufsan.

Xukunkan oo dhacay shalay ayaa waxaa soo dhoweeyay Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee maamulka Puntland Aniso Xaaji Muumin oo sheegtay in muhiim ay tahay in caddaalada la horkeeno qof kasta oo dumarka dhibaato u geysto.

garoowe-xabsiNinkan xukunka 20 sano lagu riday ayaa wuxuu kufsaday Haween fara badan, isagoo u geystay jirdil. Waxaana ugu danbeysay gabar uu kasoo afduubtay deegaan ka tirsan Gobolka Sool, kadibna gabood fal jinsayadeed u geystay, isagoo jirdilay.


Waa Xukunkii ugu horeeyay ee nin kufsi u geystay dumar fara badan lagu xukumo Puntland xabsi dhan 20 sano.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada