Geerida Taliyihii Booliska oo shaki badan dhalisay iyo dad loo xeray

Geerida Taliyihii Booliska oo shaki badan dhalisay iyo dad loo xeray

daajis.com:Shaki badan iyo tuhun ah in la sumeeyay Taliyihii Booliska Soomaaliya Jen. Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana shakigaasi loo xeray afar qof oo uu ku jiro Dhaqtarkii daweynayay oo Irbad ku duray iyo Sedax qof kale.

Dhaqtarka loo xeray geerida deg dega ee ku timid Taliyaha ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya, wuxuuna ka howlgalayay mid ka mid xarumaha caafimaad ee Muqdisho ku yaal, halka dadka kale ay yihiin Soomaali, waxaana su’aalo lagu weydiinayaa xarunta hay’adda denbi baarista (CID).

Taliyaha ayaa la sheegay in xanuunka haayay uusan aheyn mid aad u daran, balse Dhaqtarka ugu tegay in uu baaro, waxna ka qabto xanuun aan darneyn oo maalmahan uu ka sheeganayay, markii uu tegayna saacado kadib la sheegay in uu geeriyooday.

Sidoo kale Ciidamada Nabadsugida waxay albaabada isugu dhufteen xaruntii uu ku geeriyooday ee Isbitaalka oo lagu magacaabi jiray Umadda, halka warar kale ay tilmaamayaan in gebi ahaanba la xerxeray shaqaalihii ka howlgalayay.

Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha uu u magacaabay inay soo baaraan geerida Taliyaha Booliska ayaa go’aan ku gaaray in meydka taliyaha loo duuliyo Kenya si baaris loogu soo sameeyo in la sumeeyay iyo in kale.


taliye-boolisGuddiga uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay ayaa waxay kala yihiin:.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed (Guddoomiye)

2. Wasiirka Caafimaadka Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Xubin)

3. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow (Xubin)

4. Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Cabdi Baaffo (Xubin)

5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Khaliif Axmed Ereg (Xubin)

General Maxamed Xasan Ismaciil oo ka mid ahaa saraakiishii booliska Soomaaliyeed mudada dheerna ka soo shaqeynayay ayaa horaantii bishii July ee sanadkan loo magacaabay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, isagoona wax badan ka qabtay Amniga Caasimadda iyo gobollada dalka mudadii uu xilka hayey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada