Meydka Taliyihii Booliska oo loo duuliyay Kenya si loo soo baaro

Meydka Taliyihii Booliska oo loo duuliyay Kenya si loo soo baaro

daajis.com:- Meydka Taliyihii Booliska Soomaaliya Allaha u naxariistee General Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa goor dhoweyd loo duuliyay magaalada Nairobi, si halkaas baaritaan loogu sameeyay waxa uu sababsaday, ka hor geeridiisa.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay daajis.com ayaa sheegaya in Guddigii loo saaray baaritaanka geerida Taliyihii hore ee Booliska ayaa isku raacay in loo qaado Nairobi, si baaritaan madax banaan loogu sameeyo meydkiisa.

Warar kala duwan ayaa soo baxayay saacadihii la soo dhaafay, kadib markii uu soo shaac baxay geerida Taliyihii Booliska, waxaana jiray warar suuqa la soo geliyay oo ahaa in la sumeeyay Taliyuhu ka hor inta aanu dhiman.

Hase ahaatee wararkaas oo idil waxay u baahan yihiin xaqiiq raadin, waana tan keentay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabo Gudi Wasiiro ah oo soo baara geerida deg dega aheyd ee Taliyihii Booliska.

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inay horay u raaceen diyaarada lagu qaaday meydka Taliyaha oo lagu wado in saacadaha soo socda laga dejiyo garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta.

Qubaro caalami ah ayaa loo saaray baaritaanka, kuwaasoo isugu jira Saraakiil AMISOM iyo UN-ka, waxaana la ogeyn inta ay qaadan doonto baaritaankaas.

Dhowr ruux oo uu ku jiro Dhaqtar magaciisa lagu soo gaabiyay Ibraahim ayaa u xiran arrintan, waxaana Taliyaha oo markii hore xanuunsanayay daaweyn ahaan loo geeyay Isbitaalka Umadda, halkaasoo uu markii dambe ku dhintay.

Xalay ayaa meydka Taliyaha oo Frintijeer la geliyay ku hoyday Isbitaalka Digfeer, halkaasoo dhaqaatiir Turki ah ay ku baarayeen.

Meydka Taliyaha ayaa waxaa gaadiid ay leeyihiin AMISOM iyo Booliska Soomaaliya looga soo qaaday Isbitaalka Digfeer.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii Booliska Soomaaliya Gen. Maxamed Xasan Ismaaciil oo bishii July ee sanadkan loo magacaabay xilkaas, isagoo kala wareegay Taliyihii hore Saacid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada