Kullan uu albaabada u xiran yahay oo dhexmaray C/Weli, Jawaari iyo Faarax

Kullan uu albaabada u xiran yahay oo dhexmaray C/Weli, Jawaari iyo Faarax

daajis.com:- Mid kamid ah golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Kullan aan caadi aheyn uu goor dhow Garoonka diyaarada Aadan Cadde ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia C/weli Sheekh Axmed, Gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari iyo Faarax C/Qaadir.

Wasiirka ayaa waxa uu inoo sheegay in kullanka uu ahaa mid Gudoomiyaha baarlamaanka uu ku dhex dhex dhexaadinayay Ra’isul wasaare C/Weli iyo Wasiir Faarax C/Qaadir, waxaana la tilmaamayaa in shirkaasi uu ahaa mid socday Laba saac oo xiriir ah.

Sidoo kale, Seddexda Mas’uul ayaa lasoo sheegayaa inay isku fahmi wayeen qodobada uu Khilaafka ka dhashay, kadib markii RW C/weli iyo Faarax C/qaadir Cuskadeen qodobo ksii fogeeyey inay heshiiyaan labada mas’uul.


Kullanka oo socday Laba saac iyadoo aan xal laga gaarin ayaa waxa uu Ra’isulwasaare C/weli codsaday in wada-hadalka lagu dhameeyo Xarunta madaxtooyada maadama aysan munaasab aheyn goobta uu kullanka ka dhacay oo aheyd hoolka garoonka.

Kullanka ayaa waxaa hadda la filayaa inuu mar kale ka dhaco Villa Somalia, inkasta oo aan la ogeyn waqtiga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada