Lacag Gaareysa:- Shan Boqol Kun Dollar iyo Dahab laga dhaca Soomaalida Islii

Lacag Gaareysa:- Shan Boqol Kun Dollar iyo Dahab laga dhaca Soomaalida Islii

daajis.com:- Ganacsatada Somaliyeed ee Suuqa Islii, ayaa waxay saqdii dhexe ee xalay dhac kala kulmeen kooxo burcad ah, oo sida la sheegay u dhashay dalka Kenya, kuwaa oo jabsaday goobo ganacsi oo ku dhex yaala daarta weyn ee Shariifa.

Dhismaha Shariifa, ayaa waxaa gudaha u galay kooxo burcad ah, iyagoona jabsaday dukaamada ku dhex yaala dhismahaasi, waxayna ka qaateen lacago iyo dahab, iyadoo lacagaha ay qaateen cadadkoodu lagu sheegay shan boqol oo kun oo dollarka Mareykanka ah ($500,000US). Laakiin lama garanayo qiimaha uu ku fadhiyo dahabkii la qaatay.

Somaliyedd ee daarta Shariifa ka hawlgasha, ayaa dhacdadaan ku wargelisay Xoogaga Booliska ee Magaalada Nairobi, wuxuuna Boolisku u sheegay inay bilaabayaan baaritaano amuurtaasi la xiriirta.

Ganacsatada, ayaan maanta furin goobahooda ganacsi, ka dib dhacdadii xalay, waxaana maanta lagu arkaayay iyagoo dhooban afaafka hore ee dhismahaasi Shariifa.


Tani waxay walaac ku keentay ganacsatada Somaliyeed ee hantidoodu taalo Suuqa Islii, waxayna ka walwal qabaan inay dhacaan burcada ka qowleysata Degmada Kamukunji, oo Islii ay ka tirsan tahay.

Suxufi ku sugan Magaalada Nairobi, ayaa soo sheegaaya inaysan jirin wax tallaabo ah oo ay xilligaan qaadeen Booliska Magaalada Nairobi, aan ka ahayn bal inay marka hore dersayaan sida ay wax u dhaceen.

Guddiga Ganacsatada Suuqa Islii, ayaan iyagu Saxaafada kaga warbixin dhaca loo geystay dhismaha Shariifa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada