Video:- Tahriibayaasha Soomaalida Gariiga oo laga dhacay €200 Kun

Video:- Tahriibayaasha Soomaalida Gariiga oo laga dhacay €200 Kun

daajis.com:- Dowladda Gariiga ayaa xabsiga dhigtay Wakiilka Shirkadda Xawaaladda Amal oo la yiraahdo Sheekh Cabdiraxmaan, kadib markii ciidamada Booliska ay baaris ay ku sameeyeen ka heleen lacag kaash ah oo gaareysa 200 Kun oo Euro.

Lacagtaasi ayaa aheyd mid uu Wakiilka Amal ee Gariiga uu u hayay Tahriibayaasha Soomaalida ee doonayay inay kaga soo baxaan magaalada Athens ee dalka Gariiga.

Dhalinyaro Tahriibayaal ah oo lacagtaasi qeyb ku lahaa ayaa sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin magaalada Athens, isla markaana aysan garaneyn wax ay sameeyeen iyo qaab ay ugu soo baxaan Athens, maadaama lacagihii loo hayay iyo mas’uulkii hayayba ay dowladda Gariiga gacanta ku hayso.



Dhalinyaradan ayaa sheegay in midkii ugu yar ay ka maqan tahay lacag dhan 5 Kun Euro, markii ay la xiriireenna xarunta weyn ee Amal ku leedahay Dubia loo sheegay in aysan jirin acoun ay ku leeyihiin shirkadda oo lacag ay u taal.

Magaalada Athens ayaa waxaa ku sugan Soomaali tiro badan oo dalka Turkiga kaga soo galay doomo, iyagoo rajeynaya inay ugu soo gudbaan wadamada kale ee Yurub si ay ugu helaan nolol.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada