Wariye Xasan Cali Geeseey iyo soo dhoweyntii Oslo: Sawirro

Wariye Xasan Cali Geeseey iyo soo dhoweyntii Oslo: Sawirro

daajis.com:- Xaflad lagu soo dhoweynayay Guddoomiyaha Dallada isu tagga Xarumaha warbaahinta madaxa banaan ee Soomaaliyeed SIMHA, Xasan Cali Geeseey  oo ka dhacday Oslo ayaa waxaa kasoo qeybgaleen Xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanka ee Magaaloyinka waaweeyn ee Dalka norway, Wariyeyaal,Ururada Bulshada iyo dadweyne farabadan.

Xildhibaan Baashe Muuse oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Oslo ayaa si diirran magaalada ugu soo dhaweyeey Wariye Geeseey oo dhinac kalena ah Agaasimaha Idaacadda Madaxbanaan ee Dalsan ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho. Xildhibaan Baashe ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in Wariye Soomaaliyeed uu intuu soomaaliya kasoo baxo oo uu shaqo u yimaado Yurub, wuxuuna ku adkeeyey inuu halkiisa kasii wado howsha baaxadda leh ee Wariyeyaasha uu ka mid yahay ay dalka soomaaliya ka hayaan.

geeseXildhibaan Saciid Maxamuud Daameey oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka magaalada Sundall ee Dalka Norway ayaa halkaas ka jeediyey Hadal ay dadku aad ugu sacaba tumeen, markii uu ku dheeraaday ka sheekeynta ahmiyadda ay umadda soomaaliyeed u leedahay Madax banaanida hadalku. “Xorriyatul qowlku wuxuu kamidyahay waxyaabaha nolosha dadkeena aas aasiga u ah, sida Cuntada iyo biyuhuba muhiim ugu yihiin Nolosheena” ayuu yiri Xildhibaan Daameey oo intaasi sii raaciyey “Soomaalidu wax kasta waa ku cusubtahay, sida aan maamulka iyo siyaasadda ugu cusubnahay oo kale ayaan saxaafaddana ugu cusubnahay”.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi hadal kajeediyey Xildhibaan Ismaaciil Muxudiin oo ah mudane katirsan golaha deegaanka magaaalada Trondheim ee dalka Norway, wuxuuna suxufiyiinta Soomaaliyeed ku amaanay Dadaalka ay ugu jiraan in xaaladda dalka wax laga badallo, isagoo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay weerarada iyo dilalka lagu hayo suxufiyiinta soomaaliyeed.

Xubnaha ka hadlay xafladaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Wariyeyaal intooda badan ay isla soo shaqeeyeen Xasan Cali Geeseey, iyagoo kula dardaarmay in marka uu dalba ku laabto ka shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa mihnada Saxaafadeed.

Wariye Xasan Cali Geeseey ayaa howl shaqo u yimid waddanka Holland, isagoo booqasho ku tagay Magaalooyin Norway ku yaala, wuxuuna sii mari doonaa waddanka Sweden halkaasi oo uu kula kulmi doono suxufiiyinta Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan iyo bulshada Soomaaliyeed guud ahaan ka hor inta uusan dib ugu laaban magaalada Muqdisho dhowaan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada