Liiska 23-ka Ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta xidiga Aduunka ee FIFA Ballon d’Or oo la soo saaray

Liiska 23-ka Ciyaaryahan ee u sharaxan abaal marinta xidiga Aduunka ee FIFA Ballon d’Or oo la soo saaray

daajis.com:- Waxaa la soo saaray liiska 23-ka ciyaaryahan ee u sharaxan ciyaaryahanka Aduunka ugu wanaagsan ee FIFA Ballon d’Or ayaa la soo saaray, iyadoo mar kale ay ka soo muuqdeen musharaxiintan ciyaaryahanada sida aadka ah u xafiiltama ee Ronaldo iyo Messi oo lixdii sano ee u dambeysay labadooda ku kala guuleysanayay.

Sida muuqata Kooxda Real Madrid oo ku guuleysatay Koobka Horyaalada Yurub ayaa waxaa musharaxiinta abaal marintan kaga mid ah lix ciyaartoy, halka Kooxda Bayern Munich ay la mid tahay, waxaana kooxda Barcelona sanadkan waxaa u sharaxan ilaa afar ciyaaryahan oo uu hogaaminayo Messi.

Kooxda Chelsea ayaa noqotay kooxda Ingiriiska ee saddex ciyaaryahan ay ka mid yihiin liiska abaal marinta, halka Manchester United uu ka socdo ciyaaryahan Angel Di Maria oo dhowaan ka soo tagay kooxda Real Madrid.

Kooxaha Juventus iyo PSG ee dalalka Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa waxaa uga mid ah abaal marintan ciyaaryahanada Paul Pogba iyo Zlatan Ibrahimovic.

Yaya Toure ayaa ah xidiga kaliya oo Afrikaan ah oo ku jira liiska 23-ka ciyaaryahan ee sharaxan abaal marinta FIFA Ballon d’Or oo sanadkiiba mar la bixiyo.

Bisha December ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saddexda ciyaaryahan ee isugu soo hari doona abaal marintan.

  • Gareth Bale (Real Madrid and Wales)
  • Karim Benzema (Real Madrid and France)
  • Diego Costa (Chelsea and Spain)
  • Thibaut Courtois (Chelsea and Belgium)
  • Cristiano Ronaldo (Real Madrid and Portugal)
  • Angel Di Maria (Manchester United and Argentina)
  • Mario Gotze (Bayern Munich and Germany)
  • Eden Hazard (Chelsea and Belgium)
  • Zlatan Ibrahimovic (Paris Saint-Germain and Sweden)
  • Andres Iniesta (Barcelona and Spain)
  • Toni Kroos (Real Madrid and Germany)
  • Philipp Lahm (Bayern Munich and Germany)
  • Javier Mascherano (Barcelona and Argentina)
  • Lionel Messi (Barcelona and Argentina)
  • Thomas Muller (Bayern Munich and Germany)
  • Manuel Neuer (Bayern Munich and Germany)
  • Neymar (Barcelona and Brazil)
  • Paul Pogba (Juventus and France)
  • Sergio Ramos (Real Madrid and Spain)
  • Arjen Robben (Bayern Munich and Holland)
  • James Rodriguez (Real Madrid and Colombia)
  • Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich and Germany)
  • Yaya Toure (Manchester City and Ivory Coast)


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada