Madaxii Adeega Sirta ee Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Julia Pierson ayaa is casishay.

Madaxii Adeega Sirta ee Mareykanka haweeneyda lagu magacaabo Julia Pierson ayaa is casishay.

daajis.com:- kadib markii labo dhacdo oo is xiga ay ka dhacday Aqalka Cad ee Mareykanka, halkaasoo uu degan yahay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Nin Mindi sitay ayaa u suura gashay inuu ka gudbo xeyndaabka laga ilaaliyo aqalka cad ee Mareykanka, ilaa uu ka gaaro bartamaha dhismaha aqalka cad.

Afhayeenka Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in Ms Peirson ay qaaday mas’uuliyada iyo dhaliilaha loo jeedinayay laanta ay hogaamineysay.

Arrintan meel ka dhaca amniga ah waxay ahayd qiyaastii laba todobaad ka hor, balse 24-kii saac ee ugu dambeeyay, waxey xaaladda si gaar ah ugu xumeyd agaasimaha laanta sirta, Julia Pierson.

Waqti xaddidan ayaa la siiyay markii ay ka hor muuqatay guddi ka socday Congreeska shalay.

Xilli kastaa waxaa soo bexeysay eed cusub, waxaa markii hore la sheegay in si dirqi ah uu nin kan kaga gudbay albaabka Aqalka Cad, kaddib waxaa shaaca laga qaaday asigoo bartamaha dhismaha ku sugan ka hor inta aanan awood loo adeegsan.

Shalay waxaa daaha laga rogay in laba isbuuc ka hor, askari ilaalo ah oo sita qori, oo ay la socdaan seddax qof oo la xukumay oo Madaxweyne Obama la saaran wishka guryaha lagu koro, taas oo si cad u dhaawaceysa anshaxa laanta sirta, ee qaabilsan ilaalada madaxweynaha.

Aqalka cad ayaa shalay sheegay inay weli ku kal soon yihiin Ms Pierson, dhowr saac kaddib markii ay sharaxayeen sababta ay sax u tahay inay is casisho.

Afhayeenka madaxweynaha Mareykanka ayaa amaantay xirfadda Ms Pierson, laakiin waxay sheegtay inay aqbashay masuuliyadda dhalliilaha la soo gudboonaatay laantii ay madaxa ka ahayd


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada