Haddaanad Weligaa Guuldarraysan, Iskumaad Dayin Arrinkaan

Haddaanad Weligaa Guuldarraysan, Iskumaad Dayin Arrinkaan

daajis.com:-Qof ka bani’aadamka ah haddaannu isku day cusub samayn ma guuldarraysto, ma ogaado dariiqa guusha, waayo isku dayga ugu horreeya shayga ku cusub qofka noloshiisa wuu dhib badan yahay, marar badanna waa lagu fashilmaa. Hase ahaatee, qofka aan fashiladahaas ka guulaysan, dedaalna aan samayn oo ku sugnaada guuldarrooyinka uu gaadhay, halkiina aan tallaabo hore uga sii qaadin waa mid si dhab ah u guuldarraystay.

Sidaa darteed, waxaynnu qormadan kooban ku eegi doonnaa shaqsiyaad isugu jira dhallinyarada, haween iyo wayeel, kuwaasoo oo hadda ka mid ah dadka dunida ugu guulaha wanaagsan, aadna loogu jecel yahay, balse waxaynu ka eegaynaa guuldarrooyinkii ku soo dhacay mid kasta.

Michael Jordan:
Waa ciyaaryahan kubbadda kolayga caan ku ah, gaar ahaan horyaalka (Champion) loo yaaan NBA, waxaannu ku guulaystay 6 jeer NBA, 5 jeer NBA MVP iyo 4 jeer oo NABB All-star ah, laakiin markii uu yaraa wuxuu la soo kulmay cadaadis badan oo keenay in noloshiisu xataa cidhiidhi gasho, sababtoo ah waxa uu u ciyaari jiray koox dugsiga sare ee uu dhigan jiray oo kubbadda kolayga ka mid ah, waana la eryey, taasina waxay sababtay inuu muddo qorigooda qol ka mid ah ku xidhnaado, kana soo bixi waayo, isagoo oohin maciinsaday.

Dhiirregelin uu naftiisa siiyey, dad kalena ka helay ayaa u saamaxday inuu maanta ka mid noqdo dadka ugu caansan kubadda kolayga adduunka.

Albert Einsteen:
Waa nin inta badan caan ku ah aragtiyo badan oo culuunta (Theoretical) Physicist, waxaannu haystaa abaalmarinta qaaliga ah ee Nobel Prize oo uu ku helay adduunka waxyaabaha cusub ee uu ku soo kordhiyey, laakiin ma la socota markii uu 4 jrka ahaa in macallinkii waxa u dhigaayey ku tilmaamay erayo ahaa; “Waligii faa’iido yeelan maayo.’

Arrintaasi kama joojin, waxaannu dunida kaga tagay aragtiyo cilmi ah oo lagu xasuusto, loona dhigo jiilba jiilka uu ka dambeeyo.

Oprah Winfrey:
Waa haweenay madow oo qabata barnaamijka billadaha badan ku guulaystay ee la yidhaa Talk Show, waxaanay ka mid tahay dumarka adduunka ugu saamaynta badan. Hase yeeshee, waxay la kulantay cadaadis badan oo xagga shaqada ka ah, waqtigii ay dhallinyarada ahayd, isla markaana ku biiraysay warbaahinta, waayo waxay madaxdeedu ku tilmaameen qof aan ku habboonayn in ay war akhrido amma muuqaalkeeda telefishan laga arko.

Hadda waxay ka mid tahay dadka loogu daawashada badan yahay, gaar ahaan madaxda iyo dadka caanka ah oo ay waraysato, waxaanay ku heshaa billado badan iyo lacag xad-dhaaf ah. La soco qaybo kale….


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada