Video: Dulmiga iyo boobka Abukar Omar Caddan uu ka wado Xamar

Video: Dulmiga iyo boobka Abukar Omar Caddan uu ka wado Xamar

daajis.com:-Zeynab Maxamed Maxamud “Subciyoow” oo ah Hooyo Soomaaliyeed dulman oo u hadashay qoysas si sharci daro dhul ballaaran oo ku yaal degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Sanca uu xoog ugu qaatay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, iyadoo ku eedeysay in uu boob ku haayo hantidooda, Dowladda Federaalkana ay ka gaabisay wax ka qabashada cabashadooda, xili ay koox wariyeyaal ah usoo bandhigtay caddeymo muujinaayo milkiyada dhulkaasi oo ku taariikheysan sanadkii 1963-kii.

Seynab Subciyoow ayaa sheegtay in maamulkii hore ee gobolka Banaadir oo uu madaxda ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ilaa iminka soo socotay dacwadooda, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay, isla markaana Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ay ku eedeysay in uu ku doodayo in milkiyada dhulkaasi sheeganayo isla markaana maamulkii hore ee Tarsan uu ogolaansho ugu haysto. Taaasina ay tahay mid sharci daro, in la dafiro xaqiiqda jirta iyo sharciyada dhulkaasi ay u haystaan oo ah mid ku taariikheysan maamulkii Gumeystihii Talyaaniga iyo Dowladdii Kacaanka.

Waxay sheegtay in hantadaad iyo caga jugleyn fara badan ay kala kulmeen koox gaar ah oo ay horkacayaan reer Abuukar cumar Caddaan, oo dhibaato jirdil ah ay u geysteen Seynab Subciyoow xili ay ku hor bannaanbaxaysay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo uu Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo walaalo ay yihiin Abuukar Cumar Caddaan uu madaxa kaga garaacay Bastoolad, kuna amray in ay joojiyaan dibadbaxa cabashada ah.

“Waxaanu nahay dad la dulmiyay, oo hantidooda la qaatay, maanta waxaana ka war dhowreynaa Madaxda Soomaaliyeed iyo 275 Xildhibaan ee u dhaartay inay shacabkooda si caddaalad ah ugu adeegayaan, in ay hantideena nooga dhiciyaan Ganacsade abuukar cumar caddaan oo awood inoo sheegtay”ayey si murugo leh u tiri Hooyo Seynab Subciyoow oo sheegtay in 51 sano kadib in maanta la soo sheegto dhulkooda ay qeyb ka tahay dhaca iyo boobka Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu bulshada ku haayo, iyadoo codsatay in caddaalada la horkeeno.

Dhulkani oo ku yaal degmada Shibis, gaar ahaan isgoyska Sanca, wuxuuna Ganacsade Abuukar Cadaan uu burburiyay dhamaan dhismooyinkii ku yiil, iyadoo uu dhulkaasi ku fadhiyo cabir dhan 800 Mitir isku wareeg ah, kana dhaxeeyo qoys dhalasho ahaan wadaaga.

Seynab ayaa ka sheekeysay dhacdo murugo iyo xanuun badan oo uu kula kacay Ganacsade Abuukar cumar Cadaan iyo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee gobolka Banaadir ee lagu dilay qaraxa, Cabdikaafi Hilowle, iyadoo sheegtay in Haweeneydii ugu da’da weyneyd ee dhulkaasi qeybta ku laheyd oo boqol jir ku dhoweyd in uu xarunta gobolka si xoog ah ugu kaxeystay, isla markaana u geeyay Abuukar Cumar Caddaan, kadibna uu ku cadaadiyay in ay ogolaato in saxiix laga qaato, xoogga wax uu ku sheegayna duco la siin doono, hase ahaatee ay ka diiday Haweeneydaasi oo la oran jiray Jiino, balse maalmo kadib dhimatay.

Waxay sheegtay Seynab Subciyoow in kulan sedax geesood ah oo ay wada qaateen Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu kulankaasi ka hor caddeeyay Abuukar Cumar Caddaan in dhulkaasi uu bixiyay Tarsan, sidaasi darteedna sharci buuxa ugu haystaan Duqii hore ee Gobolka Banaadir, halkaasina uu ka dhashay buuq badan, wuxuuna Tarsan ka meermeeray una sheegay Abuukar cumar Caddaan in dadkaani ay la yimaadeen sharciyada dhulka, kulankaasina uu markii danbe buuq ku dhamaaday, Tarsana uu dadkii dhulka laga boobay uu dibada usoo saaray si aan war danbe loo gelin.


Mar kale Tarsan ayaa qoyskaani ku qanciyay in ay u haystaan documentiyo caddeynaya in ay leeyihiin dhulkaasi, balse waxaa taasi muran ka keenay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo Tarsan u sheegay in markii horeba uu isagu bixiyay.

Arintaani ayaa waxaa ay u gudubtay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, si wax looga qabto boobka uu Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ku haayo dhulkaasi, hase ahaatee waxaa amar sare lagu joojiyay dhismihii uu ka waday dhulkaasi, mudo kadibna waxaa uu dib u bilaabay dhismaha.

Arinta kale ee yaabka leh ayaa ah in Garyaqaanadii soo dhicinayay xaqa qoysaskani ay faraha ka taageen sii wadista dacwadani, sababo u muuqda handadaad iyo caga jugleyn loo geystay, iyadoo sidoo kale maxkamadda gobolka ay diiday in dacwadani la furo.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa dheg jalaq u siin cabashada qoysaskani dhibaateysan ee hantidooda boobka lagu haayo, xili Guddoomiyaha gobolka Banaadir Jen. Muungaab uu sheegay in Muqdisho ay ka dhamaatay guryaha boobka lagu haayo, taasina ay beenineyso hadaladiisa.

Lama dhihi karo, dulmiga dahsoon ee waa dulmiga muuqda, maadaama aysan jirin caddeymo iyo xaqiiq ku saleysan sheegashada Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, marka laga reebo inuu ku doodayo in dhulkaasi uu bixiyay maamulkii hore ee Gobolka Banaadir.

Xal ma imaan doono inta Caddaalada iyo sharciga uusan shaqeyneyn, Madaxda dalkana ay dulmiga u hiilinayaan, xaqana ka hiilinayaan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada