Hooyo la ilmeysay Gabadheeda oo Jihaadka Syria ku biirtay: Video

Hooyo la ilmeysay Gabadheeda oo Jihaadka Syria ku biirtay: Video

daajis.com:- Safiya Xuseen waa hooyada dhashay, Yursa oo 15 sano jir ah, taasoo mudo todobaad ka hor ah u safartay dalka Turkiga, waxaana laga yaabaa in ay ku biirto kooxaha argagixisada ee ka dagaalama dalka Syria sida ay sheegeen Booliska magaalada Bristol oo ay ka tagtay gabadhan yar.

Hooyo Safiya oo shir jaraa’id ku qabatay Bristol ayaa la ilmeysay tallaabada ay gabadheeda ku dhaqaaqday, iyadoo ooyneyso ayey cod naxariis leh ku tiri “Hooyo waan ku jeclahay, waan kuu xiisay, fadlan soo noqo”.

Yusra oo dhiganeysay Iskuulka ayaa laga war helay inay u duushay Turkiga iyada iyo gabar kale oo 17 sano jir ah, waxaana loo badinayaa in ay ku biireen kooxaha ISIS ee ka dagaalamaya Syria iyo Iraq.

Hooyo Safiya ayaa iska ooysay, mana garaneyso wax ay sameyso, iyadoo gabadheeda fariin murugo leh u dirtay, taasoo muujineyso sida ay gabadheeda u jeceshahay, hase ahaatee aysan iyada jaceylkaasi hooyadeed u qabto ka door biday inay ku biirto kooxaha IS.

Waxaa horay Labo gabdhood mataano Soomaali ah oo ka tegay Londan ay ku biireen ISIS, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Salma iyo Sahra, waxayna guursadeen dagaalyahano Carbeed oo ka tirsan IS.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada