Dhageyso: C/weli Gaas: Al-Shabaab waan ka saarnay Buuraha Galgala

Dhageyso: C/weli Gaas: Al-Shabaab waan ka saarnay Buuraha Galgala

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ka warbixiyay dagaal maanta ka dhacay Buuraha Galgala oo Al-Shabaab xarumo ku lahaayeen, isagoo sheegay in howlgal ballaaran oo ciidamada Puntland ay ku qaadeen lagaga saaray buurahaasi.

Wuxuu sheegay Cabdiweli Gaas in howlgalkaasi oo qeyb ka ah ballan qaadyadii xukuumadiisa in uu guul kusoo dhamaaday, isla markaana firxadkoodii ay daba joogaan sida uu hadalka u yiri.


“Ciidamada Puntland waxay howlgal ka sameeyeen Buuraha Galgala, waxayna la wareegeen saldhigii ugu weynaa ee Cadawga ee Buuraha Galgala, hadana firxadkooda ayay ciidamada daba joogaan, hadii alle yiraahdo waxaa rajeyneynaa in howshaas ay si guul ah ku soo gaba gabowdo, lagana xoreeyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Gaas-PLMar la weydiiyay qasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu sheegay in dhankooda uu hal askari ka dhintay, tiro kalena ka dhaawacantay, hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in dhinaca Al-Shabaab uu soo gaaray dhimasho iyo dhaawac badan ah, balse ay dib ka soo sheegi doonaan tirada rasmiga ah sida uu yiri.


Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay meel walba oo al-Shabaab kaga dhuumaaleysanayaan dhulka Puntland ka saari doonaan, si dadka reer Puntland ay nabad ugu seexdaan ugana soo toosaan.


Al-Shabaab ayaa Buuraha Galgala xarumo ka sameystay sanadkii 2010-kii, waxaana hadda Hoggaamiyahoodii hore Sheekh Attam uu isku dhiibay Dowladda federaalka Somalia, kadib markii uu kasoo baxsaday Hoggaamiyihii la dilay ee al-Shabaab Axmed Godane.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada