Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Cadalen

Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo la wareegay degmada Cadalen

daajis.com:- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta duhurkii la wareegay degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen xoogagii Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo C/qaadir Nuur Xasan ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com inay la wareegeen degmada Cadale, iyagoo aan wax dagaal ah la kulmin.

Ciidamada ayaa ka galay degmada Cadale wadada ka baxda deegaanka Xaaji Cali oo ah wado deex ah, iyadoo ciidamada ay markii hore kaga soo wajahanaayeen dhinaca xeebta wadada ka timaada Warsheekh.

Al-Shabaab ayaa hada ku sugan kaliya labo degmo oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe oo kala ah Ruunir-good iyo Aadan Yabaal oo ah saldhigooda ugu weyn.


Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horay ula soo wareegay degmooyinka Balcad, Jowhar, Mahadaay iyo Warsheekh

Degmada Cadale oo istiraatiiji ah ayaa Muqdisho u jirta 222-KM, waa degmo leh xeeb, waxayna ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee ka tirsan Shabeelaha Dhexe.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada