SAWIRRO: Saraakiil Muqdisho ka tagay oo AXMED MADOOBE kala hadlay in…

SAWIRRO: Saraakiil Muqdisho ka tagay oo AXMED MADOOBE kala hadlay in…

daajis.com:- Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madaxwaynaha maamulka jubba-land ayaa xalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay saraakiil ciidan oo kasocotay ciidamada nabad ilaalinta midowga africa ee Amisoom

Saraakishan ciidan ayaa waxa ay ka imaaden magaalo madaxda dalka soomaaliya ee muqdisho kuwas oo u hogaaminayay Major Aliow oo dhawanahan safar shaqo ugu maqnaa magalada muqdisho

Ajandayaasha kulankii ayaa waxaa kamid ahaa duulaan ka dhan ah kooxda Al-shabaab kaas oo ay iska kaashan doonan noocyada kala duwan ee ciidamada midowga africa ee Amisom ee ku sugan magaalada kismaayo iyo ciidamada maamulka jubba-land waxaa kaloo kamid ahaa waxyaabihii looga hadlay kulanka in taba bar loo furo ciidamo booliis ah oo xaqiijiyo Amaanka goob kasta oo lagala wareego kooxda Al-shabaab oo iyagu ka arimiya degaano faro ku tiris ah oo ka tirsan jubooyinka.

Kulanka ayaa waxa uu qaatay ugu yaraan Labada saac waxaana leysla meel dhigay in duulaan adag lagu qaado xarumaha qarsoodiga ah ee Maleeshiyada Alshabaab ay kaga sugan tahay Kismaayo.

Major Aliow, ayaa waxa uu ballan qaaday inay ka ciribtiri doonaan Alshabaab goobaha ay Kismaayo kaga harsan yihiin, waxa uuna kullanka ahaa mid laga mamnuucay Saxaafada.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in kullan kale oo uu dhexmari doono Saraakiisha hogaamin doonto weeraro lagu qaado xarumaha Alshabaab ay kaga harsan yihiin Kismaayo, waxa uuna kullankaasi noqon doona kii ugu danbeeyay oo uu Axmed Madoobe la qaato Saraakiisha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada