M/weynaha oo shaqadii ka eryay 21 Garsoore oo sharci daro

M/weynaha oo shaqadii ka eryay 21 Garsoore oo sharci daro

daajis.com:- Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kuna taariikheysneyd 26-ka bishan ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay 21 Garsoore, iyadoo loo cuskaday shaqo ka joojintooda in aanay ku dhisneyn qaanuunka dalka.

Waxaa lagu sheegay digreetada Madaxweynaha in shaqada laga joojiyay garsoore kasta oo aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaa faraha kula jira shaqo garsoor.

Shaqo ka joojintan Garsoorayaashan ayaa ka dambeysay markii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu soo jeediyay garsoorayaal aan qaanuunka ku dhisneyn.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa faah faahin ka bixiyay digreetada heerka Madaxweyne ee shaqo ka joojinta garsoorayaal si sharci daro ku howl galayay.

xeer-ilaaliye“Anaga oo ka tix-raacayna Wareegtadii xafiiska Madaxwyanaha kasoo baxday 26/10/2014 oo dhaqan gashay isla maalintaas in dhamaan Garsoorayaasha aan sharciga ku dhisnayn laga joojiyay awooddii garsoor ee ay xukunnada ku ridi jireen. Qodobka labaad waxaa shaqada laga joojiyay Garsoore kasta oo aan sharciga waafaqsanyn isla markaana faraha kula jira shaqa Garsoor.  Taasi waxay u dhacaysaa oo saamaynaysaa Garsoore kasta, meeshuu rabo haka shaqeeyo, magaciisana yaysan wareegtadan kusoo bixin . Qodobka 3aad waxay wareegtadan dhaqan gashay markii uu Madaxwaynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed saxiixay.” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyaga Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Waxaa kale oo uu sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in xafiiskiisa uu baaris iyo dib u eegsi ku samayn doono xukunadii ay fuliyeen garsoorayaashan oo isugu jira hanti kala xukmin, xabsi iyo dil. Wuxuu kaloo sheegay in tallaabo laga qaadi doono hay’ad walba iyo shakhsi walba oo ay ku cadaato inay ku lug lahayd magacaabista Garsoorayaashan xukunada fulin jiray. Wuxuu carabka ku adkeeyay  in dhamaan hay’adaha dhaqna galiya go’aanaa iyo xukunnada maxkamadaha aanay awood u lahayn inay fuliyaan awaamirta kasoo baxda Garsoorayaasha liiska ku qoran iyo kuwa aan lagu xusin ee sharci darrada ku shaqeeya.

Xeer Ilaaliyaha wuxuu sidoo kale farriin u diray Sii hayaha Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abuu Kaate Caydiid Ilka xanaf oo uu sheegay in uu mar walba xafiiskiisa kasoo baxdo magacaabis Grasoorayaal uu ku tilmaamay Sharci darro oo aan haysan Magacaabis Madaxwyane ama aan lahayn aqoontii Garsoorka.

“Sidaad ogtihiin bubrukii kadib waxaa soo baxay Garsoor ama dad  sheeganaayo  magac Garsoorayaal isla markaasna aan qanuunka iyo sharciga waafaqsanayn. Garsoorayaashaas oo soo saara xukumo kuwasoo saameeya nolosha qofka bani aadamka ah, xorriyadiisa iyo hantidiisa. Waxay xukumiyaan dil, xukunno xabsi oo kala duwan, waxay xukmiyaan hanti malaayin doolar gaaraysa. Sida darteed sharcigu wuu adkeeyay qofka shaqadaas qabanaya. Shuruudo aad u fara badan ayuuna ku xiray si uu qofku Garsoore u noqdo. Shuruudahaas hadaan la waafaqin  qofku Garsoore ma noqon karo.”


“Waxaa jirta oo caada ah maalmahan in Garsoorayaal aan qanuunka waafaqsayn ay maanta hawshan qabtaan oo ka shaqeeyaan. Laba dhinacba way ka tahay. Tan koowaad hanaankii  iyo shuruudihii ay usoo mareen Garsooranimada ayaan sax ahayn sida imtixaankii, tartankii, akhlaaqdii, shahaadadii iyo wax alaale wixii shuruuda ahaa ee ka horreeyay  magacaabista. Intaa markuu dhamaysto ayaa kadib Golaha Adeegga Garsoorka soo jeediyaa inuu qofkan Garsoore noqdo. Kadib ayaa dikreeto lagu saxiixaa magacaabista Garsooraha oo Madxawyanaha soo saaraa.”

Garsoorayaashan maanta shaqada laga joojiyay waxay ahayeen qaarkood kuwa muddo dheer ka shaqaynayaayay hawlaha Garsoorka iyaga oo aan usoo marin qaabkii sharciga waafaqsanaa.

Tani waxay imaanaysaa xilli isabadal wayn ku socdo dib u habaynta iyo hagaajinta shuruucda dalka si loo higsado bartilmaameedka dawladda uu garwadeenka ka yahay Madaxwyane Xassan Sheekh Maxamuud oo ah in dalka la gaarsiiyo doorasho ka dhacda 2016 taasoo saldhig u tahay hagaajinta shuruucda iyo habka ay u shaqayeenaa hay’adaha Garsoorka ee dalka oo mar walba lagu eedeeyo inay u nugul yihiin musuqmaasuqa.

Isbadal wayn ayaa ka muuqda laamaha Garsoorka iyo  Xeer Ilaalinta oo laga dareemayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka taniyo intii uu yimid Dr. Axmed Cali Daahir oo aana hore looga baran in laga dadaalo qofka Garsooraha noqonaya waxayna fududeyn doontaa in ummada Soomaaliyeed ay hesho Garsoor iyo Xeer ilaalin ay ku kalsoonaan karto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada