Video:- Iiraan oo ceeji ku dishay Gabar dishay nin kufsan rabay.

Video:- Iiraan oo ceeji ku dishay Gabar dishay nin kufsan rabay.

daajis.com:-  Haweeney lagu magacaabo Reyhaneh Jabbari ayaa lagu dal dalay magaalada Rajai Shahr ee ku taal duleedka caasimada Tehran, iyadoo haweeneydan Hooyadeed lagu wargeliyay Jimcihii lasoo dhaafay inay usoo daawasho tagto dilka gabadheeda.

Reyhaneh oo 26 sano jir aheyd ayaa dishay nin isku dayay in uu kufsado, hase ahaatee is difaacadii ay sameyneysay u geeriyooday ninkaasi oo ka tirsanaa Wasaaradda Sirdoonka Iiran.

Falka dilka ay u geystay Reyhaneh ayaa dhacay 2007-kii xiligaasi oo ay aad u yareyd, waxayna maxkamadda Iiraan xukuntay sanadkii 2009 in dil qisaas ah lagu fuliyo Rayhaneh.


Hay’adda Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ku qeylisay in dilka gabadhaan uu ahaa mid niyad jabinayay aduunka. Sidoo kale Qaramada midoobay sheegtay in xukunka lagu helay gabadhan uu ka danbeeyay qiraal ay sameysay, kadib markii loo caga jugleeyay, waxayna ugu baaqday iiraan inay joojiyaan dhamaan dilalka. Sidoo kale Dowladdaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhinacooda ka cambaareeyay, waxayna ugu baaqeen in falalka dilalka noocaan ah inay joojiso Iran.

Facebook ayaa ka bilodway olole loogu baaqayo Iran in ay joojiso dilalka noocaan ah, iyadoo ay malaayiin qof ay aad ugu xumaadeen dilka gabadhan loo geystay, iyadoo aan la eegin badbaadinta ay nafteeda ku sameyneysay.

Sholeh Pakravan oo ah Hooyada dhashay gabadhan ayaa naxdin ka qaatay xili ay ku sugneyd goobta daldalaada gabadheeda ay ka dhaceysay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada