Nin horay u dilay Sarkaal Boolis oo Bosaso lagu qisaasay: Sawirro

Nin horay u dilay Sarkaal Boolis oo Bosaso lagu qisaasay: Sawirro

daajis.com:- Maxkamada Ciidamada iyo Dembiyada culus ee Puntland ayaa maanta xakun dil ah ku fulisay nin horay u dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Punland.

Ninka xukunka dilka ah lagu fuliyey 58 sano jir ah ayaa lagu magacaabi jiray Maxamad Warsame Saxar, oo 18 June ee sanadkan degmada Rako ku dilay Dhame Cabdullaahi Faarax Gaacshe.

Goobta dilka qisaasta ah ay ka dhaceysay ayaa waxaa goob joog ahaa Ehelada Labada dhinac, saraakiil Ciidan iyo maamulka Gobolka Bari.

Ka hor inta aan la toogan Eedaysane Saxar ayaa si kooban warbaahinta ula hadlay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay in dembiga uu galay laga abaal mariyo, wuxuuna cafis weydiistay ehelada marxuumka uu dilay.

gudo, isagoo dhanka kale cafis weydiistey ehelada marxuumka uguna baaqay bulshada in dembiyada caynkan oo kale ah layska ilaaliyo.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada iyo Dembiyada Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in qofkii qof dila, isagna laga abaal gudi doono wixii uu geystay.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada