Q/Midoobay oo ku heshay Kenya arin ay Al-Shabaab ku naas nuujiso

Q/Midoobay oo ku heshay Kenya arin ay Al-Shabaab ku naas nuujiso

daajis.com:- QM ayaa ku eedaysay dowladda Kenya inay is hortaagtay baaritaanka dhuxusha ay Al-Shabaab ka dhoofiso dekadda magaalada Kismaayo oo ciidamada Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe gacantooda ku jirto.

Warbixin kasoo baxday xafiiska kooxda la socodka cuna qabateynta ee Soomaaliya iyo Eritrea ee Monitoring Group ayaa lagu eedeeyay Kenya inay is hortaagtay xubno gudi ah oo ujeedkooda ahaa inay baaraan dhuxusha laga dhoofiyo dekadda Kismaayo oo la aaminsan yahay in Al-Shabaab dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo,  iyadoo loo dhoofiyo suuqyo caalami ah.dekad-kismaayo-dhuxul

Warbixinta waxaa lagu yiri Xukuumadda Kenya waxay hor istaagtay mid ka mid ah kooxda kormeerayaasha oo si cad ay u diiday howsha uu ka wado Nairobi, iyadoo ay dib u celisay.

Arintan ayaa waxaa si weyn ugu lug leh  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ah ee dowladda Kenya, iyadoo ay soo bilaabatay  August 2013 xiligaasi oo Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibada iyo ganacsiga caalamiga Karanja Kibicho qoraal ku cadeeyay arimahaasi.

Sida laga soo xigtay warbixinta, dib u dejinta rasmiga ah ee Qaramada Midoobay Qabiir ku xeel dheer kooxaha hubeysan oo la yiraahdo Babatunde Taiwo, ayaa sheegay in haddii ay cadaado in lasoo farageliyay baaritaanka kooxda ka socoto Qaramada Midoobay in ay abuureyso marxad xasaasi ah.

Monitoring Group Warbixinteeda waxaa lagu sheegay in Ururka Al-Shabaab, Ciidamada Kenya iyo Maamulka KMG ee Axmed Madoobe ay wada qeybsadaan dhaqaalaha ka soo xerooda dhoofinta Dhuxusha, waxayna Al-Shabaab ka helaan saami dhan 33%, Ciiddamada Kenya 33% halka kooxda Axmed Madoobe ay helaan 33%

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada