Video:- Baarlamaanka oo loo gudbiyay 10 hindise sharciyeed

Video:- Baarlamaanka oo loo gudbiyay 10 hindise sharciyeed

daajis.com:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay 10-hindise sharciyeed uu ka mid yahay xisaab xirka miisaaniyaddii ay dowladdu ku shaqeynaysay sannadkii hore ee 2013-ka iyo xeerka la dagaalanka Aragagixisada, kaasoo la filayo inay dhowaan dood dheer ay ka yeeshaan Xildhibaanada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, ayaa shir guddoominayay kulankii maanta ee Baarlamaanka, waxaana dib u dhac ku yimid codkii loo qaadi lahaa hindise sharciyeedka xeerka kaluumeysiga.

Hindise sharciyeedka xeerka la dagaalanka Argagixisada ayaa marba marxalad soo marayay, iyadoo Xukuumadii hore ay soo dhameystirtay, waxaana xeerkan uu yahay mid ay ku jiraan qodobo badan oo lagula dhaqmayo dadka lagu soo eedeeyo falalka argagixisada.



Sidoo kale hindise sharciyeedyada maanta loo qeybiyay Xildhibaanada ayaa waxaa ku jira hindise sharciyeedka Xeerka Isgaarsiinta oo ay soo diyaarisay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka argigixisada ayaa ka kooban 36 qodob, iyadoo Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in dhamaan hindise sharciyeedyada looga doodi doono mid mid, inkastoo aan waqti la qaban.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhaliilay qaar ka tirsan Xildhibaanada xil gudasho la’aan, iyadoo Xildhibaano is xaadiriyay maanta laga waayay fadhiga, xilli lagu waday in loo codeeyo hindise sharciyeedka kaluumeysiga.

Kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka duwan kalfadhiyadii hore, maadaama ay hor-yaalaan hindise sharciyeedyo fara badan oo la doonayo in la ansixiyo ka hor sanadka 2016 oo la qorsheynayo in dalka ay doorasho ka dhacaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada