Video:- Taageere ISIS oo faas ku weeraray Booliska New York iyo Sawirro

Video:- Taageere ISIS oo faas ku weeraray Booliska New York iyo Sawirro

daajis.com:-  Weerar lagu sheegay inuu ahaa mid Argagixiso ayaa ka dhacay xarun Tareemada laga raaco oo ku taal xaafada Queens ee magaalada New York, kadib markii nin ku hubeysnaa Faas uu weeraray Boolis goobta ku sugnaa kana dhaawacay labo askari.

Booliska ayaa sidoo kale ninkaasi goobta ku toogtay, halkaasoo uu ku ruux baxay, waxaana ninkani lagu magacaabi jiray Zale Thompson.

Kahor inta uusan weerarkaan dhicin ayuu Zale Thompsom kusoo qoray boggiisa Facebook erayo uu ku taageerayay kooxda ISIS ee Syria iyo Ciraaq ka dagaalanto, waxaana Facebookiisa u saaran Bisinka iyo Aayada Faataxada, sidoo kale waxaa u saaran sawir nin wajiga xeran oo qori haysto.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada