Xassan Sheikh oo amar adag dul dhigay Taliska Militeriga iyo Saraakiisha Ciidamada DF

Xassan Sheikh oo amar adag dul dhigay Taliska Militeriga iyo Saraakiisha Ciidamada DF

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo mudooyinkaani booqasho ku maraayay qaar kamid ah Gobolada dalka gaar ahaan kuwa dhawaan laga saaray Alshabaab, ayaa waxa uu uu ka hadlay Arrinta Alshabaab.

Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si dhaqso ah Al-shabaab looga saaro guud ahaan gobolka Galgaduud, goobaha ay kaga harsan yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaaca ka qaaday in hada gacanta Al-shabaab kaliya ay ku harsan yihiin deegaano fara ku tiris ah loona baahan yahay in deegaanadaasi dib u soo galaan gacanta Dowlada.

Waxa uu amarkaani dul-dhigay Taliska sare ee Ciidamada Militeriga DF iyo Saraakiisha ciidamada qeybahooda kala jooga Gobolada dalka.

Wuxuu sheegay madaxweynaha inay ka warqabaan in tiro ahaan Ciidamada Dowlada Galgaduud aysan ku filneyn howlgala,islamarkaana tiro ahaan yar yihiin,isagoona hoosta ka xariiqay in sidaasi ay tahay loo fariisan lagana saaro Al-shabaab guud ahaan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan waxa uu si gaar ah carabka ugu dhuftay Deegaano ay kamid yihiin Xarar dheere iyo Gal hareeri kuwaasi oo dhamaantooda gacanta Shabaab ku jira.

Hadalkaan ayuu jeediyay Xasan Sheekh mar uu shalay booqday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaasi oo dhawaan laga saaray Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada