DF Sargaal alshabaab ah ayey xil degmo u magacawday” Sidaa waxaa yiri.

DF Sargaal alshabaab ah ayey xil degmo u magacawday” Sidaa waxaa yiri.

daajis.com:- Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukumadda Somalia ayaa Maamul Cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Gudoomiyaha Cusub ayaa waxaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay Maleeshiyada Alshabaab ee dagaalka kula jirto Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM.

Cabdullahi Aadan Yariisow oo ah Gudoomiyihii hore ee Degmada Waajid, ayaa warbaahinta u sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha Degmada usoo magacaawday Sargaal ka tirsan Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdullahi Aadan Yariisow, ayaa sheegay in Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha uu Maamul Cusub keenay, waxa uuna Tilmaamay in maamulka Cusub ee Degmada uu noqon doono maamul Alshabaab.

”Waa nasiib daro in DF ay alshabaab la dagaalanto, hadana ay xil degmo u dhiibto”

Sidoo kale, Yariisow ayaa sheegay in aysan Macquul aheyn in Maamul aan Bulshada rabin si qasab ah loogu soo magacaabo Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dhanka kale Xildhibaan Macalin  Cali Aadan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hadalka Gudoomiyihii hore ee Waajid uu yahay mid aan waxba ka jirin islamarkaana Dowladda Somalia aysan jirin arrin ku qasbi karta Magacaabista Dad Xariir laleh Al-shabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qof kasta oo Mas’uul dowladeed ah xilka laga qaadayo,maadaama xilika uusan la dhalan oo Dowladda uu u hayo sidaana Xilka looga qaaday yariisow.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada