Ra’iisul Wasaaraha oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada (Aqriso)

Ra’iisul Wasaaraha oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada (Aqriso)

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa goor dhow isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, iyadoo la isku bedelay Wasiir, Wasiiro kuxigeeno iyo Wasiiru dowlayaal.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa warbaahinta dowladda si toos ah uga aqriyay war saxaafadeedka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha ee isku shaandheynta Golaha Wasiirada.

Isku shaandheynta oo aheyd mid lama filaan ah ayaa waxaa la isku bedelay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka loo magacaabay Saalim Caliyow Ibrow, halka Faarax Sheekh C/qaadir oo xilkaas hayay loo dhiibay Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

Isku shaandheyntan oo aheyd mid kooban ayaan wada saameyn dhamaan Golaha Wasiirada oo dhan, hase ahaatee wasiirka kaliya ee sida tooska ah u saameysay ayaa ah Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa Wasiirkii Garsoorka iyo Cadaalada, iyadoo Faarax lagu tiriyo xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha.

Lama oga in Madaxweynaha uu wax ka og yahay arrintan iyo in kale, waxaana loo arkaa dagaal siyaasadeed oo bilow ah, maadaama Ra’iisul Wasaaruhu uu qaaday tallaabo aan horay looga filaneyn.

Hadaba halkan aqriso isku shaandheynta iyo sida Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha la isku bedelay

1-Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Saalim Caliyow Ibrow2-wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo Daaqa Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed3-Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Burci Maxamed Xamza4-Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha Dibada C/llaahi Maxamed Nuur5-Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada C/raxmaan Cabdi Cismaan6-Wasiir kuxigeenka Maaliyada C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow7-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga Mahad Maxamed Salaad8-Wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Fahmo Axmed Nuur

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada