Vidoe:- Oday garaacay Raila Odinga kadib, markuu xaaskiisa la ciyaaray

Vidoe:- Oday garaacay Raila Odinga kadib, markuu xaaskiisa la ciyaaray

daajis.com:- Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa bartamaha suuqa Kinango ee magaalada Kwale lagu garaacay, xili uu la ciyaarayay Dumar isugu soo baxay ololaha siyaasaadeed ee lagu taageeriyay Raila Odingauu.

Oday Waayeel ah oo ka mid ahaa dadkii daawanayay ciyaartaasi dhaqameed ayaa labo jeer ayuu la dhacay dhabarka Raila Odinga iyo Guddoomiyaha magaalada Kwale, waxaana markii danbe kusoo xoomay ilaalada Raila Odinga oo ninkii dhulka ku dhuftay.

Xiligii uu ninkaasi usha la dhacay Raila Odinga ayuu la ciyaarayay dumar fara badan, waxaana markii hore ninkan loo maleynayay inuu maskaxda ka jiran yahay, hase ahaatee Odayga Waayeelka ah ayaa sheegay inuu ka carooday Raila Odinga oo ku dhawaaday Xaaskiisa oo ka mid aheyd dumarkii ciyaar dhaqameedkii ciyaarayay.waayeel-maseer-badan.



Waxaa Waayeelkaan maseyrka badan in xaaskiisa aanay fasax ka qaadanin ka hor inta aanay Raila Odinga kala qeyb gelin cayaar dhaqameedka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada