Ajaanib si sharci daro kusoo galay dalka oo laga masaafuriyay Muq..

Ajaanib si sharci daro kusoo galay dalka oo laga masaafuriyay Muq..

daajis.com:- Hadal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa lagu sheegay in si rasmi ahaan loo amray in dalka laga masaafuriyo Labo nin oo u kala dhalatay dalalka Uganda iyo Ghana, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci-darro ah ku soo galeen dalka Somalia, iyo inay ku hawlanaayeen Dhaqdhaqaaqyo Saxaafadeed oo ay ka wadeen gudaha magaalladda Muqdisho.

Go’aanka Wasaaradda Warfaafinta ku gaartay in la maasaafuriyo Shisheeyahaasi ayaa yimid, kadib, markii ay dacwad u gudbiyeen Ururka Suxuifiyiinta Qaranka Somalia (NUSOJ) iyo Suxufiyiin Maxali ah oo ka caraysan kana dibadbaxay in magaca Ururka si sharci-darro loo adeegsado, iyadoo la qorsheynayey in magaalladda Muqdisho dabayaaqabadda isbuuca lagu qabto Tababar Warbaahineed oo ay wadeen koox watay magacyadda NUSOJ iyo IFEX.

Labada Shisheeye ee u kala dhashay dalalka Uganda iyo Ghana ayaa laga so oqabtay Hotelka ay ka degganaayeen magaalladda Muqdisho, kadib, markii ay Ciiddanka Nabadsugidda Qaranka ee NISA ka mamnuuceen inay qabtaan Shir aan lagu soo wargelinin Hay’adda iyo Wasaaradda Warfaafinta.


Shisheeyahaasi, waxaa barqanimaddii maanta laga masaafuriyey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federalka, Md. C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in xariga iyo masaafurinta labadaasi nin ee Shisheeyaha hadafka laga leeyahay tahay sidii loo difaaci lahaa Xuquuqda Suxufiyiinta iyo dhowrista Sharuucda dalka.

Masaafurinta raggaasi waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Somalia (NUSOJ) oo wada-shaqeyn la leh Hay’adda Warbaahinta VIKES ee saldhigeeda dhexe ku yaallo dalka Finlanday Seminaar Saxaafadeed ku qabteen magaalladda Muqdisho.

Hay’addaha NUSOJ iyo SIMHA waxay soo dhaweeyeen Tallaabadda ay Wasaaradda Warfaafinta ku masaafurisay Shisheeyaha, waxayna ugu baaqeen Hay’adaha Warbaahinnadda Caalamka inay xiriir dhow iyo wada shaqeyn la yeeshaan Ururradda Warbaahinnadda ee la aqoonsan yahay, kana feejignaadaan wararka dacaayadaha.

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay, Wareysi uu Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Mohamed Ibrahim Pakistan oo sheegay in uu Ururka NUSOJ iyo Suxufiyiinta ku faraxsan yihiin ballanqaadkii Dowladda Federalka iyo sida ay ugu dhega nuglaatay codsigii NUSOJ ee ahaa inay Dowladda sida ugu dhaqsaha badan u soo farageliso sidii wax looga qaban lahaa Shisheeyaha sida sharci-darradda ku joogay gudaha dalka Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada