Dastuurka maamulka K/Galbeed oo la ansixinayo maanta

Dastuurka maamulka K/Galbeed oo la ansixinayo maanta

daajis.com:- Ergada u fadhisa shirka Maamul u sameynta Koofur galbeed ee saddexda Gobol ayaa maanta lagu wadaa inay u fariistaan ansixinta dastuurka lagu dhaqi doono maamulkaas, iyadoo Gudiga farsamada uu ku adkeysanayo inuu shirka soo soconayo.

Ergooyinka ayaa maalmihii u dambeeyay ka doodayay diyaarinta dastuurka iyo sidii ergooyinka uga soo tala bixin lahaayeen qodobada dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas.

Gudoomiyaha Gudiga shirka ayaa sheegay in aanay dheg jalaq u siin doonin go’aanka Xukuumada ee ahaa in shirka la hakiyo, isla markaana aan wax tallaabo ah la qaadin.ergo-baydhabo

Shalay ayay aheyd markii la dhameeyay aqrintii u dambeysay ee dastuurka uu yeelanayo maamulka iyo tala ka bixinta xubnaha ergada, waxaana maanta ergada ay u balansan yihiin inay ansixiyaan.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa aqbalay go’aan ka soo baxay Xukuumada oo ahaa in Gudiga farsamada wadatashi loogu yeeray Muqdisho iyo in aan wax go’aan ah la gaarin, si xal waara looga gaaro, dhinacyada ka maqan la keeno.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira shaki laga qabo in maalmaha soo socda ay Ergada doortaan Madaxweynaha Maamulkaas, waxaana xubnaha loo saadaalinayo ka mid ah Shariif Xasan oo taageero ballaaran ka heysta inta badan ergada shirka iyo Gudiga farsamada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada