Shariif Xasan oo la ogaaday inuu aqlabiyad ku leeyahay ergada shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed

Shariif Xasan oo la ogaaday inuu aqlabiyad ku leeyahay ergada shirka maamul u sameynta Koofur Galbeed

daajis.com:- Waxaa soo baxaya khilaaf ka dhashay shirka maamul u sameynta Koofur galbeed oo wali ka socda magaalada Baydhabo, kadib markii ay Xukuumada amartay in aan wax tallaab ah loo qaadi karin arrimaha maamul dhisida, iyadoo Gudiga farsamada shirkaas Muqdisho ay u yimaadeen si loola tashado.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo geed fadhi u ahaa Maamulka Koofur galbeedka ee saddexda Gobol ayaa hada waxaa soo baxaya shaki laga qabo inuu ugu dambeyn ku soo baxo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, kadib markii la ogaaday in aqbaliyad xoog leh uu ku leeyahay ergada u fadhisa Maamul u sameynta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa meel dhow iska tusay arrintan, hadii uu Shariif Xasan ku soo baxana ay tahay arrin miisaankeeda leh, lagana yaabo inuu awood badan ku yeesho Beelaha Digil iyo Mirifle.

Shariif Xasan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay in Maamulka 3 gobol uu aqoonsi ka helo dowladda Federaalka
Shariif Xasan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay in Maamulka 3 gobol uu aqoonsi ka helo dowladda Federaalka


Mr Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa hada ku loolamaya awooda Beelaha Digil iyo Mirifle, hadii Shariif Xasanna noqdo Madaxweynaha Koofur Galbeed ee sadddexda Gobol ay caqabad ku noqon karto Gudoomiye Jawaari, si taas looga baaqsado waxaa socda galaan gal badan oo Xukuumada ku lug leedahay, si loo kala fur furo xubnaha ergada iyo Gudiga farsamada oo la rumeysan yahay in Shariif xasan saaxibo badan ku leeyahay.

Gudoomiyaha Gudiga shirka Maamul u sameynta Koofur Galbeed Sheekh Xasan Ibraahim Xasan ayaa sheegay in shirka uu meel wanaagsan marayo, isla markaana aanu saameyn ku yeelan doonin warka ka soo baxay Xukuumada ee ah in aan wax tallaabo ah la qaadi karin.

Shariif Xasan oo gacan qaadaya Madaxweynaha oo todobaadkii hore furay shirka maamul u sameynta Koofur galbeed
Shariif Xasan oo gacan qaadaya Madaxweynaha oo todobaadkii hore furay shirka maamul u sameynta Koofur galbeed

“Aayo ka talinta Umaddan ergada la soo xulay ayaa is ka leh, anaga Xukuumada wax is hortaag ah kama filaneyn, shirka meel fiican ayuu marayaa, labadan maalmood waxaa laga doodayaa dastuurka diyaarintiisa”ayuu yiri Gudoomiyaha Shirka.

In ka badan 300 ergo ayaa u fadhiya maamul u sameynta Koofur galbeed ee saddexda gobol, waxaana la filayaa in todobaadyada soo socda ay meel mariyaan dastuurka, ayna doortaan Madaxweynaha Maamulka koofur galbeed Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada