C/Weli: Adigu tagtaye, colaad uga tag: Qorshihii fashilmay sumeynta

C/Weli: Adigu tagtaye, colaad uga tag: Qorshihii fashilmay sumeynta

daajis.com:- Ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed ayaa wuxuu u isticmaalay geerida taliyihii ciidamada booliiska Soomaaliyeed Generaal Maxamed Sheekh Ismaaciil hurin colaadeed.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu isku dayay in uu yiraahdo marxuumka waa la sumeeyay, si uu fashilkiisa siyaasaddeed uga helo hiil qabiil oo caadifeysan, wuxuuna ahaa falkaas fariin uga timid “walaalaha Garoowe” si beesha caalamka loogu gudbiyo Propaganda raqiis ah oo loo yiraahdo Koonfur nabad ma ahan.

Cabdi Weli Sheekh Axmed wuxuu geerida marxuumka allaha u naxariistee u isticmaalay in uu yiraahdo ayax tagyee, eel ku reeb Reer Koonfur.

Hadii aan usoo noqdo geerida allaha u naxariiste marxuum Maxamed Sheekh ismaaciil wuxuu ahaa nin dowladda Canada baadi goobeysay, oo lagu heystay danuub ka dhan xuquuqda aadamiga.


Sanadkii 1987 dad si fiican u yaqaanay allaha u naxariiste marxuum Maxamed Sheekh Ismaaciil oo aan anigu kamid ah, waxey qabaan in Maxamed uu ahaa nin firfircoon oo mudadaan dambe uu stress xoog lasoo darsay dhowr goorna uu jecleystay in uu dibada isku soo baaro, laakiin ay arrintaas u suurto geli weyday, maadaama ay saran tahay dabagalka Interpol.

Ninka sidaas ahaa ayaa geeridiisi waxaa laga sameeyay musuq-maasuq aysan Soomaali hore u maqlin – speculation – oo waxey labo Cabdi Weli isla garteen in ay dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka dhaadhacsiiyaan Propagandada raqiiskaa oo ah in rag Hawiye ah oo madaxweynaha u soo diray ay sumeeyeen oo ay dileen marxuumkaas aan kor ku soo sheegnay. Sidaa daraadeed meeshuba nabad ma ahan, meel lagu sheqeyn karo ma ahan, caasimadana hala geeyo xaabo, Boosaaso ama Burtinle iyo meelo ka sii daran.

Speculation-ka (musuq-maasuq iyo Propagandka beenta ah) lagu sameeyay geeridada marxuumka wuxuu dadka Soomaaliyeed oo tabaaleysan oo tabarta yar ugu kacay lacag gaareysa hal malyan oo dollar oo ah lacagtii daqliga dekadda Muqdisho, waxaana lagu bixiyay lacagtaas diyaaraddo lasoo kireystay oo garoonka dhex fadhiya, wasiirro iyo xildhibaanno faro badan oo qayilaad iyo shopping ka soo sameystay magaalada Nairobi, seexasho hoteello sar sare (five star) iyo wax lagu sheegay kharashka taqaatiirta.

Maxaana qarashkaas kasoo baxay? In marxuumkaas uu illahey oofsaday.

W/Q: Ayuub A. Aden

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada