Wiilkii iska jaray xubinta taranka oo geeriyooday: Video

Wiilkii iska jaray xubinta taranka oo geeriyooday: Video

daajis.com:- Saalim Bille Xersi oo 22 sano jir ahaa, oo 14-kii bishii Oktober sakiin isaga jaray xubintiisa taranka, ayaa u geeriyooday, kadib markii xaaladiisa wax looga qaban waayay gudaha dalka.

Arinta Saalim uu xubintiisa taranka ragganimo isaga jaray ayaa aheyd dhacdo ugub, waxaana shalay uu u geeriyooday daryeel xumo, kadib markii wax looga qaban waayay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Saalim Bile Xersi ayaa xubintiisa taranka iska jaray, kadib markii uu u dul qaadan waayay jiro sababtay in qeybta danbe ee jirkiisa ka dhimatay dareenka, go´aansadayna in uu sakiin isaga jaro xubintiisa taranka.

Halkaan ka daawo video



Ardo Cabdullaahi Colaad oo ah hooyada dhashay Saalim ayaa sheegtay in wiilkeeda gacantiisa isaga jaray xubinta taranka, sidoo kale uu mudo sanad iyo bar ah qeybta danbe ee jirkiisa wax dareen ah uusan ku haysan, taasoo welwel iyo nolosha u xaraareysay, maadaama aysan awoodin in ay daaweyn u helaan.

Waa dhacdo ugub ah oo qofkii uu maqlo la yaab iyo fajaciso ku noqoneyso, waxayna dhacdadani naxdin ku abuurtay dad badan oo ku nool magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada