Kulan Albaabada u xernaa oo dhex maray Madaxda dalka. Warbixin

Kulan Albaabada u xernaa oo dhex maray Madaxda dalka. Warbixin

daajis.com:- Kulamo saacado badan qaatay oo mid guud iyo mid gaar gaar ahaa ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulankan uu ahaa kii u horeeyay oo si ka fool ka fool ahi u dhex maro Madaxda tan iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in kulamadan looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee xiisada siyaasadeed iyo sida loo soo afjari karo, waxaana kulankan madaxdu isla soo qaadeen war murtiyeedkii sida gaar gaarka uga soo baxay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, kaasoo walaac looga muujiyay khilaafka Madaxda dowladda iyo inuu saameyn ku yeesho dadaalada la doonayo in sanadka 2016 lagu gaaro doorasho si cadaalad ah u dhaco.

Ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Madaxda dowladda ay ka baaqsanayaan fara gelin dibada ah iyo walaaca ka soo yeeray Beesha Caalamka inuu horseedo Road Map cusub oo awoodo gaar gaar ah ku lahaadaan madaxda dowladda inta laga gaarayo sanadka 2016.
xasan-jawaar-abdiweli
Sidoo kale waxaa jirta in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshe la doonayo in looga baaqsado mooshin laga keeno Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo ololihiisa maalmihii u dambeeyay ka socday Muqdisho, si taas meesha looga saarana dib loogu laabto isku shaandheynta, lana xaliyo arrimaha la isku haayo.

Inkastoo aan ilaa iyo hada la soo sheegin is afgarad dhex maray madaxda, hadana waxay u badan tahay in arrinta sulux lagu dhameeyo, si howsha u socoto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa dhankiisa ka muuqata kalsooni badan, kadib war saxaafadeedyadii ka soo baxay Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub, iyadoo suura gal tahay in Mareykanka uu ayido baaqii Ergeyga Qaramada Midoobey iyo walaaciisa ku aadanaa xiisadaha siyaasadeed.


Baaqii Nicholas Kay iyo walaaciisa ahaa in Xildhibaanada codkooda lacag siistaan ayaa keeni kara inuu dhabar jab ku noqdo mooshinka maalmahan la kar karinayay, waxaana dhici karta in hadalkaas si kulul uga jawaabaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in Madaxda dowladda ay saacadaha soo socda soo saaraan jawaabo ay ka bixiyaan war saxaafadeedyadii ka soo baxay Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub oo ay ugu yaraan ku laab-qaboojiyaan walaaca ka soo yeeray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada