Ajaaniib Garoomada Somaliland ka dhoofiya qeyraadka Somalia

Ajaaniib Garoomada Somaliland ka dhoofiya qeyraadka Somalia

daajis.com:- Ganacsato iyo Ajaaniib u yimaada deegaanada maamulka Somaliland ayaa ugaarsi iyo dabar goyn ku wada duur joogta Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadaasi, iyagoo si sharci daro ah ugu dhoofiya garoomada Barbara iyo Hargeysa.

Somalia oo caan ku ah duur joog kala duwan, ayaa waxaa boob iyo dabar goyn ku haaya Ganacsato Soomaaliyeed iyo Ajaaniib u yimaada inay dalka ka dhoofsadaan wixii qeyraad ah ee ugaarta noocyadeeda kala duwan.

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo Horumarinta Somaliland Shukri Xaaji  Baandare ayaa qeyla dhaan kasoo saartay ugaarsiga lagu haayo Shimbaraha iyo duur joogta kale.

Waxay sheegtay Wasiirada in dadka Ajaanibta ah ee imanaya Somaliland in ay wataan Shimbiraha lagu Ugaarsado ee u tababaran soo qabashada ugaarta kale, kuwaasi oo aan waxba ka fakaneyn, waxayna intaa raacisay in si qarsoodi ah looga duuliyo garoomada Somaliland duurjoogta ay soo qabsadaan ajaaniibta.


Waxay sheegtay in digniino hore oo ay soo saareen Wasaarad ahaan aan dheg jalaq loo siin isla markaana dad u dhashay somaliland ay u adeegayaan ajaaniibtaasi oo ay soo dejiyaan, kuna dhoofiyaan si qarsoodi.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday xukuumaddii dhexe ee Somalia, waxaa boob loo geystay qeyraadkii dalka, hadey ahaan laheyd bad, bari iyo hawo intaba.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada