Aqriso:- Magacyada 14 Wasiir oo RW C/weli ugu baaqay inuu is-casilo

Aqriso:- Magacyada 14 Wasiir oo RW C/weli ugu baaqay inuu is-casilo

daajis.com:- 14-Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed inuu is casilo, kadib markii uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha, kaasoo saameyn ku yeeshay fadhiyadii Baarlamaanka

Warqad ay qoreen Wasiirada ayaa waxay Ra’iisul Wasaaraha uga codsadeen inuu is casilo, isla markaana ay adkaatay habsami u socodkii Howlaha Xukuumada, kaasoo saameyn ku yeeshay khilaafka.

Sidoo kale Wasiiradan oo taageersan Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu qaato taladooda, maadaama ugu badnaan wasiiradan ay isku raaceen.

golaha-wasiiradaKulamadii Golaha Wasiirada ayaa u qabsoomi waayay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, tan iyo intii uu dibada u soo baxay bishii hore.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in warqad ay ku saxiixnaayeen Wasiiradan ay caawa fiidkii u gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo la sheegayo inay muddo 24-saac ay siiyeen, inkastoo aan si rasmi loo xaqiijin karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hadii Ra’iisul Wasaaraha ku adkeysto in aanu is casilin laga yaabo in Wasiiradan ay ku dhawaaqaan is casilaad, taasoo ka dhigeysa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kalsooni soo weydiisto Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa taageersan Wasiiro dhowr ah oo uu ka mid yahay Kuxigeenkiisa ahna Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Ridwaan, Mustaf Dhuxulow, Wasiirad Khadiijo, Wasiirka Amniga Khaliif iyo kuwo kale.

Hadaba Magacyada Wasiirada ee u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo ayaa magacyadooda kala ah:-

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Bare2-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir     Maxamed3-Wasiirka Maalliyadda Xuseen Cabdi Xalane4-Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud5-Wasiirka Macdanta Daa’uud Maxamed Cumar6-Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Khaalid Cumar Cali7-Wasiirka Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle8-Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Jaamac Axmed Maxamed (Oday)9-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luqmaan Sheekh Ismaaciil10-Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Yuusuf Macalin Amiin            (Baadiyow)11-Wasiirka Qorsheynta Saciid C/laahi Maxamed12-Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafe13- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Mudane Maxamed Coloow        Baroow14-Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Nadiifo Maxamed                  Cusmaan

Lama oga sida xaal noqon karo, iyadoo labadii kulan ee u dambeeyay mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha oo Xildhibaanada loogu qeybin lahaa uu buuq ku dhamaaday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada