Madaafiic lagu weeraray Villa Somalia & Shabaab oo sheegatay

Madaafiic lagu weeraray Villa Somalia & Shabaab oo sheegatay

daajis.com:- Madaafiic xoogan ayaa caawa fiidnimadii lagu weeraray xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

Madaafiicdan ayaan la aqoon halka ay jiho ahaan ka imanayeen,iyadoo dhawaqa madaafiicdaasina laga maqlayay inta badan dagmooyinka caasimada

Xiligii madaafiicda lagu garaacayay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ku sugnaa xubnaha sar sare ee dowlada Fedraalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh, Raysul Wasaare C/wali iyo gudoomiyaha barlamanka soomaaliya Prof Jawaari.

Afhayeenka Howl galada Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in dhowr madaafiic ay ku garaaceen Xarunta Madaxtooyada.

“Xarunta Madaxtooyada waxaa la beegsanay Hoobiyeylaa, waxaana ay ku dhaceen gudaha, dib ayaa ka soo sheegi doonaa khasaaraha”ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in sababta ay u beegsanayaan Madaxtooyada ay tahay inay ku sugan yihiin Madaxda dowladda iyo saraakiisha kale ee dowladda.

Dhinaca kale Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa beeniyay in wax madaafiic ah ay ku soo dhaceen gudaha Madaxtooyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada