Daawo:- 13 Dhalinyaro Soomaali ah oo UK loogu xeray kufsi & daroogo

Daawo:- 13 Dhalinyaro Soomaali ah oo UK loogu xeray kufsi & daroogo

daajis.com:- Saddex iyo toban dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa lasoo taagay maxkamad ku taal magaalada Bristol ee dalka Britain, kadib markii lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira dhanka galmada iyo daroogo, kuwaasi xukuno kala duwan lagu riday.

Dhalinyaradan ayaa geystay tacadiyo dhanka galmada ah, oo lagula kacay gabdho aan qaan gaar ahayn, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ah kufsi iyo sidoo kale ka ganacsiga jirka gabdhaha oo rag kale ay u gacan gelin jireen.

Xaakimka maxkamadda, ayaa loo sheegay in shan ka mid ah 13-ka qof ay kufsadeen gabar 16 jir ah halka walaasheed oo 14 jir ahna uu kufsaday mid ka mid ah raggani.

Dhalinyaradan oo magacyadooda lagu soo daabacay wargeysyada dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ah Said Zakaria oo 22 jir ah, Mustapha Farah oo 20 jir ah,Liban Abdi oo 21jir ah,Arafat Osman 20 jir, Idleh Osman 21jir, Mustafa Deria 22 jir, Abdulahi Aden 20 jir, Mohamed Jama 23jir, Mohamed Jumale, 24 jir, Mohamed Dahir 22 jir, Jusuf Abdizirak, 20, Omar Jumale 20 jir, Abdirashid Abdulahi, 21 iyo Sakariah Sheik, 21jir.dhalinyaro-xukun-uk

Baaritaan ay booliska sameeyeen, ayaa lagu ogaaday koox kale oo Soomaali ah oo tacaddiyo u geysanayay afar gabdhood, kuwaasi oo la siiyay lacag gaareysa 30 gini iyo maandooriye si ay ula seexdaan rag ka da’ weyn oo ka tirsan bulshada Soomaalida ee Bristol deggan.

Maxkamadda, ayaa loo sheegay in gabdhaha qaar laga dhaadhiciyay in dhaqanka Soomaalida uu ka mid yahay in ragga ay gabdhaha kala beddeshaan.

Lix ka mid ah, ayaa xabsi lagu xukumay bilo ka hor halka toddobada kale la xukumay arbacadi la soo dhaafay.

Bulshada Soomaalida ee Bristol, ayaa arrintaasi cambaareysay, waxaana warbixin qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegeen in falkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada