Daawo:- Madaxweynaha Yeman oo la kulmay Wasiir Bayleh

Daawo:- Madaxweynaha Yeman oo la kulmay Wasiir Bayleh

daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh oo soo gaba-gabeeyay socdaalkii shaqo ee uu ku joogay Magaalada Sanca ayaa waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Yemen Abdi Rabbuh Mansur Hadi oo uu gudoonsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Hassan Sheikh Mohamud.

Madaxweynaha Yemen Abdi Rabbuh waxa uu sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay Soomaaliya si loo soo celiyo dowladnimadiisa iyo hey’adihiisa si dhameystiran , taasoo Shacabka Soomaaliyeed gaarsiin karta nolol barwaaqa ah iyo horumar .Madaxweynaha-yeman-bayle-1Kulankani oo ka dhacay aqalka madaxtooyada Yemen , ayaa labada dhinac waxa ay is tuseen Xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya oo ah mid aad u fog , saldhiggiisuna yahay isdhaafsiga ganacsiga .

Madaxweyne Mansur Hadi , waxa uu carabaabay in dhaqaale xumo baahsan uu heysto dalkiisa iyo dalka Soomaaliya oo dhibaatooyin dagaalo sokeeye oo walwal leh ay dib u dhigeen , isagoo xusay in dhibtaasi ay horseeday in burcad badeed ay ka dilaacdo xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed oo dhabarka ka jabiyay dhaq- dhaqaaqa ganacsiga iyo ammaanka badda cas iyo badda carbeed .Madaxweynaha-yeman-bayle-2Madaxweynaha Yemen ayaa xusay muhiimadda ay leedahay agaasimidda qorshe ammaan oo lagula dagaalamo argagaxisada isaga kala tallaabeysa soohdinada iyo qaaradaha si loo abuuro deganaansho iyo ammaan .

Dhankiisa , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahman D. Beileh ayaa kaga mahadceliyay martisooridda iyo soo dhoweynta wacan ee uu kala kulmay dowladda Yemen , isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii ay u geysteen dagaalada sokeeye iyo weerarada argagaxisada , waxa uu yiri “ Soomaaliya waxa ay xilligan dooneysaa inay ka faa’ideysato kheyraadka dhulkeeda iyo baddeeda si ay u hiigsato horumar iyo kobac dhaqaale”.  



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada