Injineer Turkiga la shaqeynayay oo qarax gaari loogu xeray ku dhintay

Injineer Turkiga la shaqeynayay oo qarax gaari loogu xeray ku dhintay

daajis.com:- Gelinkii danbe ee maanta ayaa qarax gaarigiisa loogu xeray uu ku geeriyooday Innjineer C/laahi Sheekh Maaxamed Calasow (Mufka) oo la shaqeynayay Hay´adddaha Turkiga ee dib u dhiska ka wada Muqdisho.

Qaraxa n oo ka dhacay nawaaxiga Maxfalka ee degmada Shibis, xili uu kasoo baxay gurigiisa, waxaana la sheegay in gaariga lagu xeray qaraxa, kadibna uu ku qarxay markii uu kasoo dhaqaaqay guriga xili uu marayay agagaarka maxfalka Shibis.

Injineerka ayaa dhaawac halis ah oo soo gaaray uu ugu geeriyooday Isbitaalka Daarul Shifa ee Magaaladda Muqdisho.

injineer-qaraxMaxamed Calasow oo la dhashay Injineerka geeriyooday ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhimashadiisa, wuxuuna sheegay in kurigsa gaariga loogu xeray miino, isagoo sheegay in aysan garan karin sababta loo bartilmaameedsaday walaalkiis, oo xil ama siyaasad shaqo ku laheyn.


Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay mas´uuliyada dilka injineerkaan, hase ahaatee saraakiisha booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan cida ka dambeysay qaraxan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ingineer caan ahaa oo lagu magacaabayay C/llaahi Canshuur ay dabley hubeysan ku dileen degmada Hodan, waxaana uu u shaqeynayay dowladda hoose ee xamar, iyadoo uu ka mid ahaa dadka dibada ka yimid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada