Daawo Sawirada :-Tarsan iyo kooxdiisii hore oo xisbi ku dhawaaqay+Warbixin

Daawo Sawirada :-Tarsan iyo kooxdiisii hore oo xisbi ku dhawaaqay+Warbixin

daajis.com:- Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo Guddoomiye uu u yahay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Trsan.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ahaa Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho oo munaasabadaas ka jeediyey khudbad dheer ayaa wuxuu ku sharxay ujeedada iyo hadafka xisbiga Caddaalada Bulshada.

“Xisbigan wuxuu xambaarsan yahay mabaa’dii rasmi ah oo salka ku heysa sidii loo soo afjari lahaa cadaalad xumada ka jirta Soomaaliya, oo nooc walba leh” ayuu yiri Tarzan oo sii raaciyay, “Waxaan aaminsan nahay in Soomaaliya aysan u baahneen in ay ku tiirsanaato waligeed kaalmo dibada looga keenay; dalkeena waa mid hodan ah, waxaana naga go’an in aan tayeyno kartida bulshada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga, una noqdaan bulsho iskufilan, oo leh waxsoosaar.”

Tarsan ayaa sheegay in xisbigan uusan aheyn xisbi qabiil ama mid goboleysi ku dhisan, balse uu yahay mid u furan iney xubno ka noqdaan Soomaalida oo dhan kuna saleysan mabaadi guud, wuxuuna xusay in dhowaan la qaban doono shirweynihii ugu horeeyey ee xisbiga laguna dooran doono hogaanka xisbiga iyo maamulkiisa intaba.

Munaasabadan lagu daah furayay xisbigan cusub ee Tarsan hoggaamiyo ayaa waxaa ka muuqday wajiyo ka tirsanaa maamulkii hore ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaashii hore.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada