Dowladaha Soomaaliya iyo Yemen oo iska kaashanaya la dagaalanka burcad badeeda iyo Al-shabaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Yemen oo iska kaashanaya la dagaalanka burcad badeeda iyo Al-shabaab

daajis.com:- Ka dib kulan shalay dhexmaray madaxweynaha dalka Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi,iyo wasiirka arimaha dibada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa waxay kaga hadleen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Somalia iyo Yemen iyo sidii lagu hormarin lahaa. 


Madaxweyne Hadi oo ka hadlay kulanka ayaa qeexay in horay u garab taagnaayeen Sonmalia hadana ay garab taagan yihiin,isagoona hoosta ka xariiqay in xiriiro badan oo ganacsiga iyo dhanka iskaashiga ah uu jiro.

Sidoo kale,madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu shaaca ka qaaday jiritaanka Qatarta Burcad badeeda Biyaha Somalia iyo Gacan Cadan,taasi oo uu tilmaamay inay sameyn ku yeelatay maritaanka maraakiibta shixnadaha iyo kuwa gargaarka sida.

Madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi, ayaa tilmaamay in Yemen iyo Somalia iskaashi ka sameyn doonaan dagaal ka dhanka ah wuxuu ugu yeeray argagixisada iyo waliba arimo la xiriirka xiriir dhaqaale iyo barnaamijka maalgelineed oo horsed u noqda kor u qaadista xaalada nabad nabad galyo iyo mida deganaasho ee Labada Dowladood.

Ugu danbeyntii,wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo maalmahanba socdaal ku joogay wadanka Yemen ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan hadalada madaxweynaha,islamarkaana dhankooda adkeynayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada