Video:- Digniin laga soo saaray anshax xumo ka jirta Xeebta Liido

Video:- Digniin laga soo saaray anshax xumo ka jirta Xeebta Liido

daajis.com:- Maamulka degmada C/casiis ayaa digniin kasoo saaray dhalinyarada damaashaadka u yimaada xeebta Liido, kadib markii ay soo baxeen dhalinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira oo hal meel ku wada dabaasha.

Taliyaha Saldhiga Boliiska ee degmada C/caziiz Axmed C/laahi Axmed ayaa dhalinyarada dabaasha u yimaada Xeebta Liido ugu digay in aysan ku kicin falal anshax xumo ah oo ay ilaaliyaan dhaqanka suuban. wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin in wiilal iyo gabdho in ay hal meel ku wada dabaashaan, isagoo ciidamada amaanka amar ku siiyay in lasoo qabto qofkii lagu arko fal anshax xumo ah.Liido-beach

“Ma ogolaan doono in Gabar iyo Wiil in ay isku meel ku dabaashaan, waan kala saaraynaa Ragga iyo Dumarka, Diinteena ma ogola in Ragg iyo Dumar is dhexgalaan, waxaan u sameyn doonaa Ciidan ilaaliya arrintaasi haka waan toobaano Gabdhaha iyo Wiilasha Soomaaliyeed” ayuu yiri Axmed Yare Taliyaha Saldhiga C/casiis.



Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in todobada maalmood in ciidanka Aminga ay halkan ku sugan yihiin ayagoo ilaalanaya Aminga Xeebta Liido, waxayna ciidamada baaraan dadka xeebta yimaada iyo gaadiidka si fal amaan daro u dhicin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada