Saraakiil iyo Ciidamo AMISOM ah oo Qarax culus lala eegtay

Saraakiil iyo Ciidamo AMISOM ah oo Qarax culus lala eegtay

daajis.com:- War goor dhow naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi Qarax culus lagula eegtay Kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsanaa AMISOM.

Wararku waxa ay sheegayan in Qaraxaasi uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo Khasaaro kala duwan u geystay Kolonyada gaadiidka iyo dad shacab ah, waxaana la sheegay in Ciidamadaasi xiliga Qaraxa lala eeganaayay ay kusii jeeden Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi ay waxyeelo kasoo gaartay ilaa Seddex Askari ka tirsanaa AMISOM iyo dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay Laba ruux oo xoolo dhaqato ahaa.

Dhanka kale, Qaraxa ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Asbuucyo ka hor halkaasi AMISOM Qarax adag lagula eegtay islamarkaana ay dad badan oo shacab ahaa ay ku laayen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada