Daawo aaskii Taliyihii Booliska iyo Madaxda Dowladda oo..: Sawirro

Daawo aaskii Taliyihii Booliska iyo Madaxda Dowladda oo..: Sawirro

daajis.com:- Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran oo gelinkii danbe ee maanta loogu sameeyay Dugsiga tababarada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed S/G Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo oo maalintii khamiista ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada

Allaha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil ayaa khamiistii u geeriyooday xanuun deg deg ahaa, waxaana Meydkiisa oo loo qaaday dalka Kenya, baaritaan lagu soo sameeyay kadib ayaa la xaqiijiyay in xanuun dhinaca sambabada uu u geeriyooday.

Madaxda dowladda iyo dadkii kale waxay alle uga baryeen in uu jannaadiisa ka waraabiyo ehelladiisa iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada